NISA oo sheegtay in ay qabatay Sarkaal ka tirsan Shabaab

by admin | Friday, Dec 21, 2018 | 733 views

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay  nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

NISA ayaa sheegtay ninka la qabtay in uu Madax u ahaa Koox Gawaaridda ku dhejisa waxyaabaha qarxa.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

 

Like it? Share it!

Leave A Response