Odoyaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay magaaada baladweyne ayaa edeyn u jediyay dowlada soomaliya iyo hirshable 7 12 2019 mustaqbal

by admin | Friday, Dec 6, 2019 | 768 views

Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii Koox looga shakiyay inay Al-Shabaab yihiin ay weerar ku qaadeen Bas Maraayay inta  u dhexeeysa Mandheera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer.

Taliyaha Bilayska Gobolka Wajeer Stephen Ng’etich ayaa xaqiijiyay  weerarka laakiin waxaa uu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo Khasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab.

 “Waxaan xaqiijin karaa in koox hubaysan ay weerareen bas ku safrayay Mandheera caawa (Jimcaha), wali wax macluumaad ah kama hayno tirada khasaaraha,”ayuu yiri taliyaha.

Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in Kooxda hubeysan ay dileen ku dhawaad 10 ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response