ONLF ” Qalbi Dhagax wali xor maahan waxaa lagu haayaa Guri ku yaalo Magaalada Adis Ababa”

by admin | Friday, Jun 29, 2018 | 969 views

Afayeenka Jabhadda Dib u Xoreynta Soomaali Galbed ee loo yaqaano ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani ayaa sheegay in C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax uusan wali Xor aheyn balse uu magan u yahay Odayaal uu sheegay iney wadato Dowladda Itoobiya.
Isagoo siinayay Wareysi Idaacadda VOA ayuu sheegay in 20 maalmood ka hor Qalbi Dhagax laga saaray Xabsigii uu ku jiray kadibna la geeyay Guri aad loo ilaaliyo oo ku yaala Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya halkaasina SAWIRRO lagula soo galay balse aan wali la sii daayin.
“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, 20 maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.” sidaas waxaa VOA u Sheegay afayeenka ONLF.
Dhinaca Kale Suldaan Fowzi Maxamed oo ah Suldaanka C/kariin Shiikh Muuse ayaa KNN u sheegay in C/kariin ay wada joogaan Hotel ku yaala dalka Itoobiya Islamarkaana la siiyay Xorriyad Buuxda uu ku dhaq-dhaqaaqi karo islamarkaana ay Dowladiisa cafisay.
Wararka Madaxa Banaan ee la helay ayaa sheegaya in Qalbi dhagax la sii daayay Islamarkaana uu ku sugnaan karo Itoobiya Dowladana ay aad kaga war-qabi doonto ilaa laga gaarayo heshiisyo Buuxa oo u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF.

Like it? Share it!

Leave A Response