Oromada oo dishay Afar qof oo Soomaali ah

by admin | Thursday, Jul 26, 2018 | 814 views

Rag hubeysan oo ka tirsan Qowmiyadda Oromada ayaa Afar qof oo Soomaali ah waxa ay ku dileen meel 20-KM ujirta magalada Nageyle oo ka tirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka la dilay ayaa waxa ay saarnaayeen gaari xamuul ah, waxayna ku sii jeedeen beero ay ku lahaayeen magaalada Nageyle.

Rag hubeysan oo ka tirsan Oromada ayaa jidka u galay waxayna gaariga kala degeen Afar ruux, halka ay sii daayeen Aabe iyo laba caruur ah oo uu dhalay, oo ay garan waayeen Soomaali inay yihiin.

Qof ay ehel ahaayeen qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in Afarta qof la dilay uu ku jiray nin nabadoon ahaa oo lagu magacabi jiray Xaaji Cabdi Xaaji Muxumed, waxaana uu sheegay in arrintan ay ku sii abuurtay cabsi xoog leh.

“Oromo hubeysan ayaa jidka u gashay gaari ay saarnaayeen ayay kala degeen, Afar qof ayay dileen, Aabe iyo labadiisa caruur oo Soomaali ahaan ay u garan waayeen ayay soo daayeen, Millatariga ayaa u tagay kooxda dilka geysatay waaloo diiday in meydadka la tuso, arintan dowladda dhexe waan u gudbinay ila hadda waxba kama aanay qaban.” Ayuu yiri qof ehel la ah dadka la dilay.

Dowladda Itoobiya iyo maamulka Oromada ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay sheeda ka daawanayan dhibatooyinka iyo dilalka loo geysanayo Soomaalida, maadaama dhawr mar cabashooyin loo gudbiyay ay ka soo jawaabi waayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response