Pedro Oo Booskan Eden Hazard Ka Galiyey Liiska Ugu Sarreeya Ee Ciyaaryahanada Hadda Aduunka Ugu Wanaagsan

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 937 views

Garabka Chelsea Pedro Rodriguez waxa uu sheegay in Edin Hazard ku soo dhawaanayo Lionel Messi oo uu u qalmo in lagu tilmaamo laacibka ugu wanaagsan dunida.

Pedro waxa uu Messi uga soo garab dheelay laba fiinaale Champions League oo ay ku guuleysteen  kahor inta uusan 2015 imaan Chelsea.

Hazard si heer sare ah ayuu ku bilaabay xilli ciyaareedkan waxa uuna dhaliyey toddobaadkii hore saddexley.

Pedro oo qudhiisa saddex gool dhaliyey ol’olahan ayaa yiri: “Waa caadi in Eden Hazard ka mid yahay saddexda ama afarta ugu wanaagsan dunida sida Leo, Cristiano Ronaldo, Neymar iyo Eden.

“Maxaa yeelay Eden sanad walba waxa aad muujisaa kubaddaada iyo goolashaada – dhalinta goolal, caawinta, ciyaaridda daqiiqado badan, si fiican u ciyaarid.

“Ma aqaan, dhawr kaddib in Eden ku guuleysan karo kubadda dahabka ah ama md kale maxaa yeelay waa ciyaaryahan aad u wanaagsan.

“Waa xiddig weyn.”

 

Like it? Share it!

Leave A Response