Puntland oo dastuur jebin ku eedeeysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

by admin | Tuesday, Jul 7, 2020 | 393 views

Maamulka Puntland ayaa ka digay in ay sii socoto dastuur jabin ay sheegeen in ay ku kaceen Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ka dib markii uu dhawaan sheegay in Sharciga qaarkood aysan khuseyn Aqalka Sare.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  in uu hareermaray dastuurkii lagu heshiiyay maadaama uu dafiray Shaqadda Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni  in ay waajib tahay in labadda Aqal ay wada shaqeeyaan, islamarkaana ay iska kaabayaan ayna iskorjoogteeyaan.

Guddoomiye Mursal ayaa dhawaan sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.

“Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Like it? Share it!

Leave A Response