Puntland oo faah faahisay howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab & Daacish

by admin | Sunday, Jun 20, 2021 | 267 views

Ciidamada Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Howlgallada ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in sigar ah looga sameeyay dhulka Buuraha ah ee Cal-miskaad iyo Calmadow, halkaas oo ah Xarumaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab & Daacish.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in meelaha ay howlgallada Ciidamada ka sameeyeen ay aheyd Goobihii ugu weeynaa ee Al-Shabaab & Daacish ay hubka iyo Agabka kale ay ku xareysan jireen.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka in Ciidamada Puntland ay ka guuleysan doonaan cid kasta oo isku dayda inay sameeyso falal Amnidarro, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response