Puntland oo gacanta ku dhigtay Askari dil geystay

by admin | Tuesday, Apr 13, 2021 | 334 views

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay In Ciidamada Booliska Magalada Bosaaso ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada oo dil u Geestay Qof Shacab ah kadibna uu Goobta ka baxsaday.
Ciidamada oo Howlgal sameeyay kadib Dilka Marxuumka ayaa waxaa u suurta gashay in Gacanta lagu soo dhigo Gacan ku dhiiglihii Dilka Geestay oo ka tirsan Booliska Gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in laga soo gudbay in Askari markii uu dil u Geesto Qof Shacab ah la dhihi jiray wuu baxsaday, isla markaana Qofkasta oo Dhibateeya Shacabka Cadaalada la Horgeyn doono.

Like it? Share it!

Leave A Response