Puntland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Takfiir

by admin | Friday, Apr 12, 2019 | 858 views

Maamul goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland kaga dhawaaqay howlgal weyn oo lagula dagaallamaayo Ururka Takfiir.

Cawil Sheikh Xaamud Maxamed  Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa sheegay in gudaha Puntland ay ku sii faafayaan kooxo aaminsan fikirka Al-takfiir (gaalaysiin), isagoo ku dhawaaqay in Puntland la’dagaallamayso kooxahaasi,

Wasiirka  ayaa sheegay in kooxaha Takfiirku ay Puntland ka wadaan, caqiido maroorsan oo lagu fasahaadinayo umadda, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin firqad xun oo khatar ku ah caqiiqada iyo qiyamka bulshada, haddii aan lala dagaallamin sida uu hadalka u dhigay.

Takfiirku waa arrin haatan Puntland ku faafaysa runtii, waxaan damacsannahay in aan arrintaas takfiirka laga hortago, waxaan ka hor istaagaynaa in ay masaajiddo ama xarumo yeeshaan, waxaan la dagaallamaynaa in aan joojinno fasahaadkooda. Takfiirku waa firqad xun waana fasahaad” ayuu yiri Xaamud.

 

Like it? Share it!

Leave A Response