Puntland oo qaadacday go’aankii xal raadinta ahaa ee kasoo baxay Isimada

by admin | Wednesday, Dec 8, 2021 | 417 views

Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sicad uga soo horjeesatay qodobadii ay soo saareen Isimada Puntland, kuwaas oo xal loogu raadinayay khilaafka ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka PSF ay kamid yihiin lafdhabarka Hay’adaha Amniga Puntland ayna ka qeyb qaataan sugida Amniga Guud ee Puntland gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagaxisada, isla markaana dowladda Mareykanka ay sigaar ah uga taageertoPSF dhinacyada tababarada iyo Qalabka Ciidamada.

Qodobka ugu weyn oo Madaxtooyada Puntland qaadacday ayaa waxaa uu yahay in hubka iyo Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada PSF uu yahay mid uu si shaqsi ah u leeyahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee Maxamuud Cismaan Diyaano, taasina ay dhaawaceyso dowladnimada iyo xasiloonida Puntland.
” Ciidanka PSF (Puntiand Security Forces) waxay ka mid yihin laf dhabarta hay’daha amniga Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland. gaar ahaan la
dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowadda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta
PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka
Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti
Puntand iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan
Oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimada Ummadda Soomaaliyeed,
gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah Isimada
Puntland ay baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland ayaa lagu yiri’ Warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Puntland ayaa fartay Agaasimihii xilka laga qaaday balse aan wareejin ee PSF Maxamuud
Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF
kuna wareejyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub.
“Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, isaga oo dhawraya Dastuurka iyo sooyaalka
dowladnimo ee Puntland waxaa ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo
sareynta sharciga ayaa lagu soo geba gabeeyay Warsaxaafadeedka.
lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Saraakiisha Ciidamada PSF iyo Isimada Puntland, iyada oo qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland uu xoojinayo xiisaddii ka taagneyd Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Like it? Share it!

Leave A Response