Puntland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

by admin | Wednesday, Jul 8, 2020 | 454 views

Guddiga ka hortagga iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalado Cusub oo Cudurka,kadib baaritaano la sameeyay.

Guddiga waxaa ay sheegeen in la baaray 29 qof oo 4 ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19 ,iyada oo dadka xanuunka laga helay ay da’dooda u dhaxaysaa 22 sano jir ilaa 30 sano jir.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay kala joogan Magaalada Garoowe (2) Cadaado (2) Ruux oo gobolka Galgaduud ah kana tirsan Galmudug,sidoo kalena ay Cudurka ka bogsadeen soo 3 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay degaannada Puntland ee shaybaarka xaqiijiyey ayaa hadda gaartay 341 qof waxaa u dhintay 8 qof halka ay ka bogsadeen 163 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response