Puntland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

by admin | Monday, May 11, 2020 | 468 views

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacsisay natijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 28 qof balse Cudurka laga helay 8 Ruux oo kala ah 7 Rag ah iyo Hal Dumar ah.

Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal iyo kan Puntland ay u taqaano Karkaar,waxaana xusid mudan in dadka Cudurka laga helay uu kamid yahay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xarsi.

Ugu dambeyn WGuddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 85 Halka Afar qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.

Like it? Share it!

Leave A Response