Puntland oo sheegtay in ay dishay 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabab

by admin | Tuesday, Aug 7, 2018 | 818 views

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka mid ah Xarakada Al-shabaab kaddib howlgal ka dhacay Buuraleyda Calmadow ee degaannada Maamulkaas.

Puntland waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale dhaawac u geysteen qaar ka mid ah Ciidamada AL-shabaab ee degaankaas ku sugnaa halkaas oo labada dhinac ay ku dagaallameen.

Ciidamada Puntland ayaa ku faanay in intii uu howlgalka socday ay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Madarshoon, Kadin Xangarood,Diindigle iyo meelo kale oo ka mid ah Buuraleyda Calmadow.

Majiro war dhinaca Al-shabab ka soo baxay oo la xiriira sheegashada Ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraleyda Calmadow.

Like it? Share it!

Leave A Response