Puntland oo sheegtay in nabada Gaalkacyo ay ku timid wada shaqeynta labada maamul

by admin | Saturday, Oct 16, 2021 | 399 views

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhanbacad ayaa sheegay in lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaalladii ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in saddexdii Sano ee lasoo dhaafay wada shaqeyn buuxda ay dhexmartay labada maamul, islamarkaana taasi ay keentay in dadka shacabka ay go’aansaddaan in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga.

Waxaa uu xusay Wasiir dhanbacad in waxyaabaha soo celcel jiray dagaallada Gaalkacyo in ay qeyb weyn ahaayeen siyaasadda is diidan ee labada maamul.
Wasiir dhabancad ayaa sheegay in hadda ay wada shaqeyn buuxda ay ka dhaxeyso labada maamul ee ka jira degmada Gaalkacyo lagana maarmay in la barakiciyo dadka shacabka.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horay ugu dagaallamay degmada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan waxaana lagu guuleystay in xal laga gaaro ka dib dadaallo kala duwan oo la sameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response