Puntland oo sheegtay inay korortay tirada dadka soo galootiga ah

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 823 views

Madaxweyne kuxigeenka maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay korortay tirada ajaaniibta dalka soo galeysa.

Waxa uu sheegay in Hal sano gudaheeda ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad  ufara badan taasina ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulkaasi hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah.

Waxa uu amray in hay’adaha amniga ay qabsadaan shaqooyinkooda qabsadaan oo si dhab ah ay u hawlgalaan, ajaaniibta ayuu ugu baaqay in ay soo maraan wadada sharciga ah.

“Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro, hada waxaa dowladda qasab ku noqotay inay kontoroosho dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd, waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka”. ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response