Puntland oo si adag uga hor-timid qorshe ay DF rabto inay ku qaadato…

by admin | Thursday, Mar 16, 2023 | 157 views

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay kasoo horjeedo qorshe ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga hesho dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Puntland ma taageerayso hindisaha lagu amaahinayo hay’addaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahaani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xilligaan kasoo horjeedan in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasi oo uu tilmaamay in wax uusan kasoo gaarin deegaanadooda.

“Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Like it? Share it!

Leave A Response