Qaad loo soo waday Soomaaliya oo la gubey

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 488 views

Ciidamadda Badda ee dowlada Kenya ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen doonyo siday qaad farabadan,kuwaas oo la doonayey in la so geliyo Gudaha dalka Soomaaliya.

Qaadkaan oo saarnaa laba doonyood ayaa lagu qiimeeyey in ka badan 200-kun oo Dollar,waxaana la sheegay inay jiraan dad wadey jaadkaas oo la qabtey,kuwaas oo xabsiga la dhigey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Badda ayaa lagu sheegay inay tallaabadaasi u qaadeen iyaga oo fulinayey amar kasoo baxey Madaxda sare ee dalka Kenya ee lagu joojiyey in dalkaasi laga dhoofiyo qaadka( Jaadka) si looga hortago faafida Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu bogaadiyey Ciidamadii gacanta ku dhigey Jaadkaas loo soo wadey Soomaaliya,iyada oo Goob fagaaro ah lagu gubey.

3-dii Bishaan ayaa Gaadiid sidey jaad la doonayey in si qarsoodi ah lagu soo geliyo Soomaaliya lagu qabtey inta u dhaxeysa lamu iyo Garsen,kuwaas oo la gubey.

Dalka Kenya ayaa waxaa laga helay kiisa badan oo Cudurka Coronavirus ah,waxaana taasi ay sababtay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay qaadaan atllaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurka maadaama labada dal ay yihiin kuwo deris ah.

Like it? Share it!

Leave A Response