Qaadka Miiraa ee Kenya oo si qarsoodi ah loo fasaxay

by admin | Sunday, May 29, 2022 | 497 views

Waxaa si hoose lagu fasaxay keenista Qaadka Miiraa, oo labo sano ee kasoo degin Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii la mamnuucay billowgii 2020.
Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa heshiis la galay nin Kenyan ah oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha ururka ganacsatada Miraa, iyagoo ku shirkoobay lacagta.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ruqsadda bixiyay, iyadoo laga faa’ideysanayo xiliga kala-guurka, oo RW Rooble dhawaan xilka wareejiyo, maadaama lasoo magacaabayo Ra’iisul Wasaare Cusub.
Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur iyo ninka Kenyaatiga ah ayaa aas aasey shirkad cusub oo lagu magacaabo SomKen, si ay maan-dooriyaha u keento Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda Muqdisho.

Labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaa dalka la keenayay Qaadka Itoobiya, oo uu ka macaashay Xasan Farmaajo oo walaalkiisa xiligii uu xukunka haystay u xiray ishan dhaqaale, oo malaayiin dollar ka sameeyay.
Si qarsdoo ah ayaa dalka lagu soo gelin jiray Miiraa, iyadoo Muqdisho uu ka noqday mid kontarabaan ah, oo suuq madow lagu kala iibsanayay lacag aad u badan, balse hadda si toos ah loo fasaxay.

Malain walba waxaa imaan jiray Muqdisho illaa 18 diyaaradood, iyadoo la keenayay Qaad qiimihiisu gaarayo $400,000 maalintii, oo Kaash ahaan loogu qaadayay dalka Kenya.
Ganacsatada Miiraa ayaa dhaqaale burbur soo wajahay kadib markii uu ka xirmay suuqii ugu weynaa ee Qaadka loo soo qaadayay, kaasoo ah dalka Soomaaliya, oo maandooriyan si aad ah looga cuno.
Qaadka dhibaato xoog leh oo xagga Caafimaadka, Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo Amniga ayuu ku hayaa dalka Soomaaliya, mana jirto dowladda ka celisa sunta halista ah ee loo soo iib-geynayo.

Like it? Share it!

Leave A Response