Qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho oo xiran

by admin | Saturday, Mar 31, 2018 | 1214 views

Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyadoona Amniga Magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Ammaanka.

Isgoyska Tarabuunka, iyo dhammaan Wadooyinka soo gala Golaha Shacabka ayaa xiran, iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale maanta xiran yihiin Jidka Makah Almukaramah.

Waxaa sidoo kale Howlgallo ka socdaan qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa maanta si ka duwan sidii hore gaadiidka u baaraya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay martigelisay qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.

Like it? Share it!

Leave A Response