Qalbi Dhagax oo gaaray Caasimadda Galmudug

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 1277 views

Magaalada Dhuusa mareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa saakay gaaray Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF, Waxaana uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

Qalbi dhagax ayaa garoonka diyaradaha dhuusamareb waxaa ku soo dhaweyay qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan Maamulka Galmudug .

Soo dhaweyn kadib hadal kooban uu qalbi dhagax uu Warbaahinta uu siiyay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu gaaro dhuusa mareeb isagona ugu mahad celiyay shacabka reer dhuusa mareeb sida soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweyeen .

Inta uu ku sugan yahay Dhuusa mareeb ayaa Qalbi dhagax waxaa lagu wadaa in uu kulumo uu la qaato madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada isagona ugu mahad celin doona sidii shacabka iyo maamulba ay ugu xumaadeen xarigiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response