Qaramada midoobay oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Kismaayo

by admin | Saturday, Jul 13, 2019 | 721 views

Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa, António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadday Xalay Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka xoghayaha guud, Stephene Dujarric, ayaa sheegay in sidoo kale uu Mr; Guterres uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi.

Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa,Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay Qaramada midoobay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.

Inkabadan labaatan ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale oo ka badana waa ay ku dhaawacmeen weerar isugu jira qarax iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo.

Like it? Share it!

Leave A Response