Qaramada Midoobay oo ka hadashay duqeyn loo geystey tahriibayaal dalka Libya

by admin | Friday, Jul 5, 2019 | 898 views

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaalada xarun ay ku jireen dad tahriibayaal ah oo la duqeeyay dhowaan ay rasaas ku fureen, iyadoo tahriibayaasha ay ka cararayeen duqeynta ku socotay xaruntii ay ku xirnaayeen.

Ugu yaraan lixdan ka mid ah dadkan ayaa geeriyooday halka 77 kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday magaalada Triopoli ee dalka Libya.

Hase yeeshee ilaalada xaruntaa ayaa beeniyay inay rasaas ku fureen dadkii ku jirey xaruntaas.

Xafiiska OCHA ay ku leedahay dalka Libya ayaa sheegay in ay jiraan warbixino sheegaya in qaar ka mid ah qaxootigii iyo tahriibayaashii ku jirey xaruntaas ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ilaalada.

Dadka ku dhintey duqeytan oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen xoogaga general Xaftar ayaa ku jirey illaa lix carruur ah.

Ugu yaraan shan boqol oo ruux ayaa weli ku jirta xarunta Tajoura iyadoo aysan jirin dadaalo loogaga kaxeeyo xaruntaas dadka ku jira.

Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay illaa lix kun ayaa ku jira xeryo ku yaal dalka Libya,hase ahaate qaramada midoobay ayaa hore uga digtey in dalka Libya uusan ahayn wadan xasiloon waxayna dalabtay in la sii daayo.

Like it? Share it!

Leave A Response