Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qaramada Midoobay oo soo saartay Dadka ka baracay Roobka & Daadadka Soomaaliya.

by admin | Tuesday, Nov 17, 2020 | 422 views

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani Aadamnimada ee OCHA ayaa warbixin kasoo saaray qoysaska ka barakacay Roobabkii ka da’ay Soomaaliya laga soo bilaabo bishii October 2020 & daadadka ka dhashay.

Ugu yaraan 214,000 oo ruux ayaa ka barakacday deegaannadooda oo kala ah Koofur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle, Galmudug & qayb kamid ah Gobolka Banaadir, kadib markii roobkii da’ay uu saameyn ku yeeshay qoysaskaan.

“Dadka degen meelaha u dhaw Wabiga Shabeelle waxa ay barakaca bilaabeen Bishii July 2020 oo ah bilawga Roobka Xagaaga oo dhamaaday September, Roobka ka da’ay Itoobiya ayaa  sidoo kale sababay in uu Wabiga Karkaarada jabsado” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay UN OCHA.

Xafiiaka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani aadamnimada ayaa sheegay in saameynta ugu badan Wabiga Shabeelle uu ku reebay qoysaska degen Gobolka Shabeelaha Hoose (Koofur Galbeed) iyo Shabeelaha Dhexe  (Hir-Shabeelle).

Dhanka Magaalada Baydhabo waxa ay OCHA sheegtay in ka badan 66,000 oo ay kamid yihiin barakacayaasha in saameyn taban uu ku yeeshay Roobka, waxaana kasii barakacay 6,000-ruux sida warbixinta lagu sheegay.

28 October 2020, OCHA waxa ay sheegtay in ay dhinteen 35-ruux, halka celcelis ahaan dadka saameynta taban la kulmay ay gaarayaan 1.6 milyan intii u dhaxeysay Janaayo 2020 ilaa September 2020.

Waxaa intaas dheer kumanaan hektar oo dhul beereed ah in biyaha fatahaadda ay khasaariyiin dadkii beertay gaar ahaan beeraleyda u dhaw Jiinka Webiga, walwalka cudurada laga qaadi karo biyaha ayaa intaas u dheer sida ku xusan Warbixinta.

DFS & Hay’adaha gargaarka waxa ay dalbadeen cunno, biyo wanaagsan, waxyaabaha lagu nafaqeeyo dhallaanka & dhammaan wax waliba oo ay u baahan yihiin qoysaskaan in la siiyo si aysan u dhalan dhibaato ka duwan tan barakicisay.

Ugu dambeyn warbixinta UN OCHA ayaa lagu sheegay in welwelka ugu weyn ee soo wajahay uu yahay saameynta Covid-19, Shuban biyood dilaaca, cuduro kale oo halis gelin kara qoysaskaas & musiibooyin horleh.

Like it? Share it!

Leave A Response