Qaranka France oo ku Guuleystay Koobka adduunka

by admin | Sunday, Jul 15, 2018 | 948 views

Xulka qaranka fariiska ayaa markii labaad taariikhda ku guuleystay koobka adduunka markii ay guul 4-2 ah ka gaareen Croatia.

Cayaarta ayaa lagu kala nastay qeybta hore 2-1 oo ay ku hogaamineyso xulka France.

Daqiiqadii hore ee dheesha qaranka Croatia ayaa soo bandhigay cayaar cajiib ah balse waxaa kulanka goolku kowaad ku daah furay France markii kubbad laabka xorta oo loo dhigay uu goolkiisa ka dhaliyay laacibka Mario Mandzukic waxaana kubbada soo karoosay Antoine Griezmann.

Sidaa uma aysan sii dheeran hogaanka ay faransiisko qabeen oo waxaa toban daqiiqo kadib yimid goolka barbaraha xulka Croatia waxaan darbad xoogan goolka ku hubsaday Ivan Perisic daqiqiadii 28-aad.

Iyadoo ay ka harsan tahay qeybta kowaad 7 daqiiqoo xulka France ayaa helay rigoore lagu xaqiijiyay aalada VAR markii kubbad laga soo tuuray geeska laadka uu gacan ku taabay dhaliyaha goolka Croatia Ivan Perisic waxaan gool u badalay Antoine Griezmann.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labada xul ayaa soo bandhigay cayaar wanaagsan France ayaa la timid goolkooda seddexaad ee dheesha waxaan kubbad uu banaanka goolka kasoo tuuray shabada dul dhigay Paul Pogba daqiiqadii 59-aad.

Shan daqiiqo kadib waxaa yimid goolka afaraad markii kubbad weerar calis aheyd oo loo dhigay Kylian Mbappe uu goolka dhexdhigay markii cayaartu socotay 65 daqiiqo.

Laakiin Croatia ayaa heshay goolkooda labaad kadib kubbad uu si qaldan u gooyay goolhayaha France Hugo Lloris waxaan u dhaliyay Mario Mandzukic.

Like it? Share it!

Leave A Response