Qarax Askar Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. .

by admin | Tuesday, Jan 12, 2021 | 345 views

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxa, sidoo kale uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Kenya, isla markaana ay arkayeen Qaac iyo uuro cirka isku shareertay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah eek u dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay ku dileen 7 askari oo uu ku jiro sarkaal Kenyan ah oo Magaciisa lagu soo koobay Holand kana mid ahaa Ciidamada qaraxa lagu weeraray.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ee gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kama bixin, waana qaraxii labaad oo muddo labada Maalin gudahood ah lala eegto Ciidamada Kenya, iyada oo qarax ka dhacay degaanka Taabta ay ku dhinteen saddex Askari o ka tirsan Ciidamada Kenya

Like it? Share it!

Leave A Response