qarax gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

by admin | Wednesday, Aug 29, 2018 | 864 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo fiidnimadii caawa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ka dhashay gaari nuuca raaxada ah, islamarkaana lagu soo xiray Miinada nuuca dhejiska ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dalcadda Taleex, meel ku dhaw carwadii hore.

Dadka degaanka ayaa soo tabiyay gaariga qarxay inay saarnaayeen laba ruux oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa ay ahaayeen, kuwaasi oo dhaawac uu soo gaaray.

Warar kale oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan dadka qaraxan ku dhaawacmay inay ahaayeen laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda gaar ahaan Millatariga.

Dhaawacyadan dadkan ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in Hal qof uu dhaawiciisu daran yahay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta, waxayna xayireen isu socodka wadadaasi, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano, intaasi kadib ayay dib u fureen wadada.

Like it? Share it!

Leave A Response