Qarax ka dhacay Boosaaso

by admin | Saturday, May 4, 2019 | 721 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax xalay Saqdhexe ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay guri uu lahaa taliye ka tirsan Ciidanka Puntland ee ka howlgalla Buuraha Galgala ee gobolka Bari, kaasoo ku yaalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa ahaa Miino la galiyay darbiga guriga taliyaha, waxaana si weyn looga maqlay Xaafaddaha Boosaaso.

Saraakiil Ciidan oo ku sugan Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Khasaare ka dhashay Qaraxaasi, islamarkaana uu burburiyay guriyo agdhawaa goobta uu ka dhacay.

Wali laamaha Ammaanka maamulka Puntland faahfaahin kama bixin Qaraxa xalay ka dhacay Boosaso

Like it? Share it!

Leave A Response