Qarax ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Nov 11, 2019 | 762 views

Wararka ka imanaya deegaanka Tareedisho ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidamada dowladda lala eegtay Qarax Miino.

Dad ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada dowladda, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa.

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in qaraxa kaddib ay fureen rasaas culus taasoo argagax ku riday dadkii ka agta dhawaan goobta.

Inta badan Waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye waxaa ka dhaca qaraxyo miino lagula eegtaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  inta ay ku socdaalayaan wadadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response