Qarax ka dhacay gudaha Saldhiga Booliska Beledweyne

by admin | Saturday, Oct 16, 2021 | 34 views

Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne gaar ahaan maqaayad ku dhagan Saldhigga Magaalada Beledweyne.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino.

Dadka ku dhintay qaraxa oo ka mid ahaa Duqii deegaanka feer feer  Khaliif Garad Roble sidoo kale waxaa ku dhaawacmay  Gudoomiyihii  feer feer Mahad Beeyle.

Taliyihii Saldhigga booliska Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta qaraxa ku waxyeeloobay.

Like it? Share it!

Leave A Response