Faahfaahin : Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 1001 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo saakay ka dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan Agagaarka Wasaaraddii hore Amniga.

Qaraxan ayaa ahaa nooca lagu xiro Gawaaridda, waxaana la sheegay in uu qarxay gaari nooca raaxadda ah oo ay saarnaayeen 3 ruux.

Darawalkii gaariga waday ayaa dhintay, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray labo ruux oo dumar ah oo gaariga saarnaa sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo Meyd ahaan goobta uga qaaday darawalkii waday gaariga iyo dhaawaca labo ruux oo dumar ah iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin ruuxa waday gaariga waxa uu ka shaqeyn jiray iyo sidoo kale dadka kale ee gaariga saarnaa.

Like it? Share it!

Leave A Response