Qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

by admin | Sunday, May 17, 2020 | 487 views

Ugu yaraan laba qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacantay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi-Bile ah oo marayey inta u dhexeya isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Digfeer, degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay, basle ay ku waxyeeloobeen kaliya labada qof ee shacabka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada.

Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray, inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response