Qarax Khasaaro geystay oo dhacay Magalada Baydhabo

by admin | Friday, Jun 14, 2019 | 998 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo xalay ka dhacay Suuqa ku yaalla xaafad ka tirsan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la dhigay Goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen taas oo ku taalla Suuqyaraha Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baydhabo.

Dad ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay u sheegeen  warbaahinta  in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed sidoo kale ay waxyeelo kale kasoo gaartay dad Shacab ah oo maqaaxida ku sugnaa.

Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magalada Baydhabo ayaa goobta tegay,kuwaas oo sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin,isla markaana aan cidna loo qaban qaraxaasi.

Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha laamaha amniga degmadaas weli kama hadlin qaraxa geystay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee xalay ka dhacay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana inta badan qaraxyada noocaas oo kale ah sheegta Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response