Qarax lagu dilay 3 askari oo ka dhacay Jubbada Hoose

by admin | Saturday, Aug 24, 2019 | 585 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxaasi ayaa baahisay inay ku dishay 3 ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahy mid degan.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ay ka socdeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response