Qarax lagu dilay nabadoono oo Hiiraan ka dhacay

by admin | Saturday, Sep 17, 2022 | 467 views

Maamulka gobolka Hiiraan  sheegay in Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde.

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas oo ahaa miino wadada la geliyey.

Waxaa goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac daran goobta looga qaaday.

Dadka ay waxyeelado soo gaartay ayaa kala ahaa.

1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2- Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
3- Nabadoon Mukhtaar Xaaji

Like it? Share it!

Leave A Response