Qarax lala eegtay Askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

by admin | Saturday, Mar 18, 2023 | 121 views

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isigu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Kenya.

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo ka baxay degaanka Kiyuunga ayaa  kusii wajahnaa deegaanka Shangaani, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Askarta Kenyanka ah ay qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay.

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa mar walba ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response