Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Nov 1, 2018 | 1250 views

War goor dhow na soo gaaray  ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka.

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ah nuuca Soomaalida u taqaano gaari qooqan.

Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.

Like it? Share it!

Leave A Response