Qaraxyo culus oo maanta ka dhacay IMAARAADKA

by admin | Sunday, May 12, 2019 | 710 views

Waxaa la soo werinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalladda Fujayrah ee Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan Haamaha shidaalka ee yaallay Dekeddaasi.

Xilliga uu weerarka dhacay waxaa goobta ku sugnaa diyaaradaha Mareykanka iyo Faransiiska sida ay goobjogayaal sheegeen.

Masuuliyiinta goobta ay dhibaatadu ka dhacday ayaa beeniyay in Fujairah aysan ka dhicin wax qarax ah, iyagoo sheegay in Dakadda ay u shaqeynayso sida caadiga ah.

Wargeyska Al-Mayadeen ee fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa sheegay, in Warbaahinta maxaliga ah ay sheegayso in qaraxyo culus ay ka dhaceen dekedda Fujairah.

Qaraxyada ayaa la maqlay inta u dhexeysa 4:00 subaxnimo iyo 7:00 subaxnimo saacada maxaliga ah, sidaana waxa lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashay, qaraxyadaasi iyadoo dowladda ay si xooggan ugu dadaashay xogta ku gadaaman qaraxyadii dhacay.

Dhinaca kale war Goor dhow ay shaacisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen Dekedda magaalladda Fujayrah ee dalkaasi,isla markaana waxaa ay ku eedeysay in ay ka dambeeyaan faafinta warkaan Ikhwanul muslimiinta Iran iyo Turkiga.

Like it? Share it!

Leave A Response