Qasaare ka dhashay Gantaalo lagu garaacay warshado Shidaal

by admin | Saturday, Mar 6, 2021 | 397 views

Sedex  Qof ayaa ku dhintay, 28  kalane waa lagu dhaawacay, kadib markii Gantaalo lagu garaacay qeybo kamid ah waqooyiga Siiriya halkaasi oo ay maamusho dowlada Turkiga, sida ay ku warantay wakaalada Anadolu.

Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday Warshadshidaal, waxaana ay shidaalka siisaa meelaha u dhow sida magaalooyinka al-Bab iyo Jarablus, iyaga oo sababay qaraxyo, kadib markii dhowr booyadood ay dab qabsadeen.

Weli ma cadda cidda fulisay weerarada,halkaasi oo rimeysanyahay in ay ku jireen gantaalada ballistic-da ah.

Turkiga ayaa gacanta ku hayey al-Bab iyo Jarablus tan iyo markii ay bilaabeen duulaanka xuduuda ee ka dhanka ahaa kooxda Islaamiga ah ee (ISIS) sanadkii 2016-kii, talaabadaas oo looga gollahaa in laga joojiyo xoogaga Kurdiyiinta ee Siiriya.

Bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, 33 askari oo Turki ah oo la geeyay si ay ula socdaan xaaladda Idlib ayaa lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ay la beegsadeen maamulka Asad.

Like it? Share it!

Leave A Response