Qatar oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Wanlaweyn

by admin | Thursday, May 10, 2018 | 1206 views

Dowladda Qatar ayaa si adag waxay u cambaareysay weerarkii Isqarxinta ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Aargada Muuri oo ku taalla Bartamaha Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan oo uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay ayaa waxauu beegsaday Suuq yar oo lagu iibiyo Qaadka, wuxuuna halkaasi ku galaaftay nolosha dad ka badan 8 qof, halka uu dhaawacay tiro intaas ka badan, oo ay ku jiraan Askarta Dowladda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa waxa ay ku sheegtay in ay si weyn uga xuntahay Qaraxaasi oo ay sheegtay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxayna caafimaad deg deg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay weerarkan.

Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa waxa ay xustay in ay garab taagan tahay umada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka caawin doonto Dowladda Soomaaliya sidii uu dalku nabad u noqon lahaa.

Warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dowladda Qatar ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada ay dowladda Qatar ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana Qatar ay wacad ku martay in ay laba jibaari doono taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerar isqarxin ah oo lagu galay saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Kapul ee dalka Afganistan, halkaasi oo lagu dilay dad ka badan 10 qof, waxayna tilmaamtay in falkan uu yahay mid Argagixiso.

Like it? Share it!

Leave A Response