Qaxooti horleh oo soo gaaray degaannada Puntland

by admin | Monday, Jun 21, 2021 | 270 views

Waxaa xalay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari soo gaaray oo lagu soo dhaweeyay Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo soo dhaweeysay Qaxootiga ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Qaxootgaan badankood ay yihiin Yemeniyiin, balse ay la socdaan dad Soomaali ah.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Qaxootigan ay gaarayaan ilaa 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween,isla markaana Markab kasoo qaaday dalka Yemen lagu keenay dekadda magaalada  Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dhowr jeer ayaa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa kasoo degay Qaxooti Yemeniyiin ah, kuwaas oo kasoo cararay colaada ka aloosan Magaaloyin ka tirsan dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response