Qaxootiga ku nool Xeryaha Kenya, muhiimad ceynkee ah ayay u leedahay Doorashada dhaceysa 9ka August 2022?

by admin | Friday, Aug 5, 2022 | 478 views

Qaxootiga Soomaalida ah ee muddada fog ku nool Xeryaha Kenya ayaa indhaha ku haya doorashada guud ee Dalkas ka dhaceysa 9ka August 2022 (Talaadada) todobaadka soo socda iyaga oo ka eegaya dhinacyo kala duwan.

Qaar kamid ah qaxootiga ayaa sheegay in ay waaya-joog u ahaayeen Doorashooyinkii Kenya ka dhacay muddada ay furan yihiin xeryaha ay ku nool yihiin oo waqti ahaan ku dhaw 30-sano, sida ay maamullada isu baddelayeen & la socodka xaaladdooda.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo ku nool Xerada Dhadhaab ayaa sheegay in ay heysato dhibaatooyin ay kamid yihiin, dhaqdhaqaaqa socodka, Caafimaadka, Amniga & Ganacsiga si ay u helaan qorshe ay noloshooda u maareeyaan.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda cusub ay rajeynayaan in ay wax ka qabato dhibaatooyinka heysta si ay wax uga baddelayaan dhibaatooyinka nololeed ee ku heysta xeryaha ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay Maxamed Sheekh Cabdullaahi.

“Muddo 30 sano ah ayaa ku nool nahay xerada dhadhaab oo waxa aan hadba la kulmeynay Dowladdii dhalata oo aan la jaan-qaadeynay, dhibaatooyinka na heysta waxaa kamid ah dhinaca socdaalka oo ma tagi karno Nairobi ama Gaarisa, Xagga Caafimaadka, Amniga & Ganacsiga oo aan furan karin” Maxamed Sheekh Cabdullaahi.

Bashiir oo kamid ah Qaxootiga ku nool Xerada Dhadhaab ayaa sheegay in Dowladda Cusub waxa ay ka filanayaan ay kamid yihiin in ay kaararka aqoonsiga siiso Dadka ay faraha ka qaaday, wax ka qabashada raritaanka loogu goodinayo & dhiiragelinta Dadka.

“Dhibka Qaxootiga heysta waxaa kamid ah Dad galay xeryaha oo Kenyan ah & Dad qaxooti ah oo sharciga Kenya helay waxa aan rajeynayaa in Dowladda cusub ay faraha ka saarto dadkaas, Dadka qaxootiga ah waa dad yaqaana Ganacsiga oo waa in Xuduudda loo furo, 30 sano ayay xeryaha degen yihiin oo waa shaqo la’aan, niyadna ma hayaan, waxaana marar badan nagula goodiyay in xeryaha la xiri doono waa in ay wax ka qabataa” ayuu yiri Bashiir.

Ololaha Doorashada guud ee Kenya ayaa xooggeystay maalmihii u dambeeyay, musharixiinta ayaa billaabay sameynta ballanqaadyo ay kusoo jiidan karaan codbixiyaasha si ay ugu kala calaf-qaataan kuraasta ay u tartamayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response