QIIMAHA XOOLAHA OO SARE U KACAY KADDIB XOOLIHII SOMALIDA OO AAN TAGIN IMAARAADKA

by admin | Sunday, Aug 19, 2018 | 924 views

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Ciidda Carafo Xoolaha loo qalo Udhxiyada ay qiimo ahaa  si weyn sare ugu kaceen marka loo eego ciidihii hore.

Wargeyska Gulf News,ayaa baahiyay in sare u kaca qiimaha Xoolaha sida Ari cadka iyo Idaha uu sare u kacay 65% qiimihii hore marka loo eego.

Arrintaas waxaa ay ka dhalatay kaddib markii Xoolaha Soomaalida aysan tagin Imaaraadka sidoo kalena Pakistan ay dhintay tirada Xoolaha ee ay geyn jirtay Imaaraadka.

Ghulam Akbar, oo ah Ganacsade Xoolaha ah oo u dhashay Dalka Pakistan ayaa sheegay in kaliya 500 oo Neef oo Ariga Dalka Pakistan ah la geeyay Dubai taas oo ay sabab u tahay baahida loo qabo Ariga oo sare uga kacday gudaha Dalka Pakistan.

Ariga Dalka Pakistan ayaa hadda la kala siisanayaa Suuqyada Dubai lacag dhan 5,000 oo Dirham, halka midka Soomaalida ee raqiiska ahaa la kala siisan jiray kaliya 500 oo Dirham neefkiiba.

Ciiddii Carafo ee Sanadkii hore ayaa Imaaraadka waxaa la geeyay 170,000 oo Neef,waxaana saraakiisha Dowladda u qaabilsan Xannaanada Xoolaha ay sheegeen in sanadkan la filayay in ay gaaraan 300,000 oo Neef.

meelaha dalka Imaaraadka uu xoolaha ka dhoofsado waxaa kale oo ka mid ah Dalalka Hindiya iyo Syria,kuwaas oo sanadkan iyana aan sidii la rabay ugu dhoofin xoolaha.

Wasaaradda Degaanka iyo Cimillada Imaaraadka ayaa sheegtay in sidoo kale xoogga la saaray hannaanka damaanadda badqabka Xoolaha oo la marsiiyo baaritaanno badan oo uu sheybaarka ka mid yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response