Qorshe cusub oo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo ‘oo ka billowday’ Imaaraadka

by admin | Wednesday, Dec 18, 2019 | 760 views

Magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa ka bilowday qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la rabo inuusan dib ugu soo laaban hogaanka dalka, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay in uu dalka Imaaraadka Carabta u joogo qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay “mid Farmaajo iyo Kooxdiisa lagaga bad-baadinayo dalka Soomaaliya”, sida uu hadalka u dhigay.

Faysal ayaa xusay inay la kulmi doonaan jaaliyadaha Soomaalida ee ku sugan Imaaraadka, kuwaasi oo ay kala shiri doonaan “sidii Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay uga bad-baadin lahaayeen inay bur-buriyaan Soomaaliya, loona dooran lahaa cid aan Somaliland cadow ku aheyn”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qorshahan cusub ee uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Ayaan wxaaan caddeyn inay wax ka ogtahay dowladda Imaaraadka Carabta iyo in kale.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa dhowaan, waxaana la rumeysan yahay in Imaaraadku ka mid yahay dalal doonaya inuusan soo laaban madaxweyne Farmaajo, qarashna ku bixinaya.

Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response