R.W Khayre oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha ka bixitaanka AMISOM

by admin | Tuesday, Jul 31, 2018 | 909 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegi lahaa amniga guud ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in ay diyaarinayaan qorshayaal dhameystiran oo AMISOM loogala wareegayo amniga dalka, sidoo kale waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha iney diyaariyeen goobaha ugu horeeya oo AMISOM ay ka baxayaan iyo ciidankii la wareegi lahaa.

“Waxaan sameynay qorshe la yiraahdo qorshaha kala guurka oo annaga iyo hay’adaha caalamka aan ku heshiinay iyo AMISOM laftirkooda, qorshahaasi waxaa laga ansixiyay Golaha Wasiirada, Dowlad goboleedyada, Midowga Yurub, kaas oo u qorsheysan sidii ciidamada Soomaaliya loo tababari lahaa, AMISOM-na ay dalka uga bixi laheyd.” Ayuu yiri R.W Khayre oo la hadlayay BBC-da

Sida qorshaha uu yahay ciidanka AMISOM ayaa Soomaaliya ka baxaya marka la gaaro sanadka 2019, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya ay hada wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo AMISOM kala wareega guud ahaan amniga dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hada ku sugan meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa ilaaliya xarumaha waa weyn ee dowladda

Like it? Share it!

Leave A Response