R.W Khayre oo u digay masuuliyiinta dowladda

by admin | Monday, Aug 13, 2018 | 949 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa fariin u diray xubnaha ka tirsan dowladda, kadib markii uu xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa waxa uu sheegay xubnaha ka tirsan dowladda ee ku fakaraya inay lunsadaan hantida qarankla, taasi inaanay u suuragaleynin, wuxuuna sheegay qofkii lagu hela musuq maasuq, hadii uu yahay Wasiir ama hadii qof kale uu yahay in dowladda ay ka qaadeyso talaabo sharciga waafaqsan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyiinta uga digay inay ku kacaan arrimaha ku saabsan lunsashada hantida qaranka iyo musuq maasuqa.

“Waxaanan yeelayn in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan rabaa in aan halkaan farriin uga dirno qof waliba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo ku fekerayo inuu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin.” Ayuu yiri Khayre.

Dowladda federaalka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay waday arrimo ku aadan dabagalka lunsashada hantida qaranka iyo dabagalka shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ee lagu eedeeyo arrimaha musuq maasuqa.

Like it? Share it!

Leave A Response