R/W Xamza oo balan-qaad cajiib ah u sameeyey Maxamed Xuseen Rooble

by admin | Wednesday, Jun 29, 2022 | 353 views

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay si rasmi ah xilkiisa ula wareegay ayaa aad ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaarihii xafiiska ku wareejiyey Maxamed Xuseen Rooble, isagoo u balan qaaday in taariikhdiisu aysan duugoobi doonin, inta uu joogo xukunka.

Wuxuu sheegay inuu ahaa nin dadaal iyo Alle beri dalkaan uga soo samata bixiyey xaalad quus ah oo niyad jab badan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed, “Wuxuu Rooble dalka ka soo gudbiyey marxalad xusuus ku reebtay cidii ka naxeysa dalkaan, waxaan xusuusanaa sidii ay dadkeenu u niyad jabeen iyo halistii ay gashay Soomaaliya,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xusuus badneyn, “Kii dadka laayey iyo kii samata bixiyey bilo kadib isku mid ayey noqdaan, aduunkana sidaasi kama jirtee qiimeyn gaar ah ayuu qof walba yeeshaa,” ayuu yiri.

Xamse ayaa Rooble ugu lab qaboojiyey in markaan uu rajeynayo in hadda kadib ay xusuusta dadka Soomaaliyeed dheeraa doonto, isala markaana ay xukuumadiisa ka qeyb qaada doonto in aan la ilaabin wanaagii iyo samata bixintii uu dalka u hor seeday.

“Waxaan balan qaadeynaa inta xukuumadaani jirto inaan dadka ku xusuusino marar badan, siyaabo kala duwan ayaan dadka kuu soo hor istaaji doonaa, waxaana kaa xusi doonaa munaasabado kala duwan, aadna waan kuugu mahad celinayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafladii xil wareejinta khudbad ka jeediyey.

Like it? Share it!

Leave A Response