R/wasaare Rooble oo lagu qasbay inuu ku dhawaaqo golaha wasiirada

by admin | Saturday, Oct 24, 2020 | 359 views

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in uu ku dhex qariyey magacaabista wasiirradiisa cusub arrin xasaasi ah.

Ku dhawaaqista golaha wasiirrada ayaa lagu aadiyey xilli Taliyaha hoggaanka dabagalka siyaasiyiinta, sida la sheegay uu heshiis lasoo galay Al-shabaab, heshiiskaas oo ku kacaya aduun 10 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa lagula heshiiyey inay qaraxyada ka dhaafaan magaalada Muqdisho, inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Arrintaas waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto, si shacabka Muqdisho loogu qanciyo in isbedel laga sameeyey dhanka ammaanka.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli Taliyaha NISA uu dalka ka maqan yahay mudo 6 maalmood ah. Sidoo kalena Taliye ku xigeenka NISA ayaa howlo shaqo ugu maqan gobolka Gedo, waxaana la sheegay inuu halkaas ka wado guluf dagaal oo ka dhan ah Jubbaland.

Wixii ka dambeeyey markii Taliyaha hogaanka dabagalka loo magacaabay Cabdullahi Dheere, waxaa isku dhex milan laga dareemay Al-Shabaab iyo NISA, waxaana Cabdullahi Dheere lagu tilmaamaa shakhsi galaangal badan ku dhex leh Al-shabaab, sidoo kale horay ayuu uga tirsanaa jiray.

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegeysa in Cabdullahi Dheere uu si qarsoodi ah ku gaaray degmada Jilib oo ah fadhiisinka ugu weyn kooxda Al-shabaab.

Cabdullahi Dheere ayaa AlShabaab degmada Jilib ugu geeyey lacag dhan 10 milyan oo dollar, taas oo heshiis looga gaaray qaraxyadii ay ka fulin jireen Muqdisho in la joojiyo mudo 120 maalmood ah.

Khubarada ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa arintan ku tilmaamay mid khatarteeda wadata, walow ay haboontahay in la badbaadiyo nolasha boqolaal qof oo qaraxyadaas ku dhiman lahaa.

Safarka sarkaalkan iyo heshiiska Alshabaab lala saxiixday ayaa lagu soo aadiyay ku dhawaaqista xukuumadda cusub si saxaafada aysan u ogaan.

Like it? Share it!

Leave A Response