Rag hubeysan oo dilay Laba Askari

by admin | Wednesday, Apr 18, 2018 | 948 views

Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay degaanka Carbiska oo ku dhaw degmada Afgooye ku dileen laba Askari oo ka tiran Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta aanu dilka dhicin ayaa raggii hubeysnaa waxa ay rideen rasaas badan oo ay ku kala eryanayeen dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugnaa, maadaama goobta ay aheyd Maqaaxi lagu Shaaheeyo, kadibna waxa ay si toos ah u beegsadeen labada nin.

Dableydii dilka geystay ayaa si aan dareen ku jirin goobta uga dhaqaaqay iyada oo waliba markii ay sii baxayeen rasaas ku riday Haweeney goobta ku dhawayd, inkastoo aanay rasaastaasi waxyeeleyn.

Labada Askari ee la dilay ayaa xilligaasi aanan wadan wax Hub ah, balse waxa ay dhexda ka fadhiyeen dad shacab ah oo ku Shaaheynayay Maqaaxi yar oo ku taalla degaanka Carbiska.

“Walaal xalay habeen naxdin badan ayay ii aheyd, xilliga uu dilka dhacayay waxaa Da’ayay Roob, mar qura ayaan maqalnay Rasaas kadib banaanka ayaan u soo baxay, waxaan arkayay laba nin oo ordaya, aniga ayay xitaa rasaas igu sooi rideen, waana ka cararay, waxayna dileen laba Askari,” Ayay tiri gabar dadka degaanka ka tirsan.

Ciidan hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay goobta waxayna qaadeen Meydadka raggii la dilay, si baaritaano loogu sameeyo, intaasi kadibna loo aaso.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa si hoose inoogu sheegay labada Askari ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cali Baahsi iyo Cabdi Dhagool oo si weyn looga garanayo degaanka, gaar ahaan Maxamed Cali Baashi wuxuu ka tiranaa Ciidanka Canshuurta.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degaanka Carbiska ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay wadaan baaritaano amni xaqiijin ah, oo lagu dabagalayo Dableydii dilka geystay oo degaanka ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ka dhaca dilal ay geystaan Rag Bastoolado ku hubeysan, waxaana inta badan dilalka nuucaan oo kale ah fuliyay xoogag ka tirsan Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response