Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Sacuudiga

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 887 views

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,kaddib martiqaad uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

Diyaarad gaar ah oo boqortooyada Sacuudiga ay usoo dirtay wafdiga ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, balse ilaa hadda ma jirto cid faahfaahisay safarkan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay martiqaadka inay usoo dirtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka hor inta aysan madaxda dalalka Geeska Afrika tagin magaalada Jeddah, balse xilligaas safarka wuxuu u baaqday arrimo farsamo,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Khayre ayaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiinta sare ee dalkaas, waxaana safarkiisa uu ku soo aaday xilli Boqortooyada Sucuudiga ay hoos u dhigtay taageeradii Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafka Khaliijka oo dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah.

Sacuudiga ayaa door weyn ka qaaday is beddelada geeska, sida dadaalladii dib u heshiisiinta iyo soo afjarida colaadaha u dhaxeeyay dalalka gobolka  ee  Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response