Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq

by admin | Thursday, May 12, 2022 | 331 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda ay matalaan si hufan ugu adeegaan.

Dhankooda 16 Xildhibaan ee lagundoortsy Ceelwaaq ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha doorkii uu kulahaa doorashadooda iyo Guud ahaan qabashadii doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadaalkii uu ku bixiysy.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa jirtay in Villa Somalia siweyn u diidaneyd gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) uu ka dhigay inay yihiin kuwo sharci ah.

Like it? Share it!

Leave A Response